Friday, April 12, 2024

Caqabadaha nolosha


 

• Caqabadaha nolosha .

Adiga ha iska dhigin wax aadan Aheyn adigu waxad tahay qof wanagsan kaasi oo yaqaana macnaha saaxiibtinimada .

Walal inta aad nowshahay kama dhamman doonan Caqabadaha nolosha, inta aad nowshahay waxaad la kulmi doonta fadeexeyn iyo Caqabado badan .

Inta aad  nowshahay waxaad arkeysa dad badan ka shaqeynaya guuldarada  waxaad arki doonta kuwa badan oo sheg sheegayan ceebahahaga ,inta aad nowshahay waxaad la kulmi doonta dad leh wejiyo fara badan ,inta aad nowshahay ka faa'iideyso waqtigaaga oo ku raaxeyso noloshaada kana dhig noloshaada mid wanagsan oo qurux badan .inta aad ku sugan tahay wadada guush waxaad la kulmi doonta Caqabado fara badan oo ay ka mid yihiin in Dadku kuu sheegi doonan in aadan gaari Karin  halka aad higsaneyso waxee kuu sheegi doonan in horta jirey uu sameyni waayey  ,maalin kasta waa fursad cusub ee aad ku bedeli karto noloshaada .

Abaalmarinta ugu wanagsan ee qof siin Karo saaxiibtiisa waa waqtigiisa waa dareenkiisa jaceylkiisa ,samirka waa furaha guusha Alle waxa uu yiri "kalmeysta samirka iyo salada " .

Caqabadaha nolosha waa qeyb ka mid ah nolosheena.jeclow qof kuu nasteexeenayow jeclow qof qarinaya ceebahaaga jeclow qof ka qeyb qaadanayow horumarkaaga iyo guushaada   jeclow qof kuu siinaya  waano iyo talooyin xikmadeysan .
U dulqaado cadowgaaga iyo kuwa faafiya ceebahaaga  ,guurso qof kuu arkaayo inaad tahay qof dhammeystiri Karo noloshaada   .

Horumarka iyo  guusha waxee u Bahan yihiin dadaal iyo shaqo adag ,horumarkaaga waxaana ku gaari karno aqris badan doonis xoog badan muhiim ma ahan qof aad tahay maanta balse waxaa muhiim ah qofka aad noqoni doonto mustaqbalka insha Allah.

Sxb inaad isbedel dhab ah sameyso waxaa kaa hortagan cabsi welwel go'aan la'an  wahsi  sxb yeelo hadaf iyo hansare oo ka gudub caqabadaha nolosha oo wajaha duruufaha adag ee nolosha oo qaado go'aano kuu  horseedi karo guulo iyo farxada.

Mahadsanid.

Diyaarintii al ustaad dhiirigeliye Deeqsi 


No comments:

Post a Comment

Jaceylka walaltinimada

  • Jaceylka walaltinimada . • Inaad aragto labo oo si dhab ah isku jaceyl waa aayar yacnii wey yar yihiin inaad aragto walalo is jaceyl a...