Tuesday, April 9, 2024

GABADHU MAXEY U QURXOONAATAA MARKA AY NINKA KALA TAGAAN ?.



Qof walba wuxuu isweydiiyaa maxey gabadha u Qurxonaataa markey kala tagaan qofkeeda?

Bal Sababta ila Ogow.

Gabadha marka ay qofkeeda kala tagaan way qurux badnaata, maxaa yeelay:-

Waa iyada qofka ugu badan ee xiriirka adkeeya, oo weliba u rafaada, naftana u hurta.

Waa iyada qofta inta badan u dhibtoota  xiriirka kala dhaxeeyo ruuxa kale. Wey u silcaysaa isaga dartiis, way u daashaa isaga dartiis wayna isku howshaa wanaajintiis.

Waa iyada Qofta u hurta wax walboy heysato, si uu qanacsanaado, wey u Oysaa, u dhafartaa una dhibtootaa si uu isaga farxad u helo.

Mararka qaar waxay sameysaa waxaan suurta gal ka ahaan laheyn haddii eysan jeclaan laheyn, si ay isaga ugu dhawaato.

Waa bini'aadame mar Alla markii uu arko sida ay u jeceshahay, sida ay ugu waalan tahay iyo sida ay Madaxa uga saaran yahay ayuu wuxuu ka qaadaa Kibir iyo is qaadqaad.  Waxaa ka dhaadhacsan kaama maaranto oo la'aantaa ma faraxsanaan karto, waase Warjira moog.

Gabadhu way jeceshahay ilaalinta sharafteeda iyo dadnimadeeda, weyna sareysaa oo qabkeeda uma quuri laheyn wax badan oo qaldan iney kugu qaadato, hase ahaatee waxa ay isku dhul dhigeyso ayaa ah, si uu isaga ula joogo oo ay u wada farxaan.

Sababtey u qurux badnaato markey qofkeeda kala tagaan waxa ugu wayni waa iney nasiino ku filan heleyso.

Haweenaydu waa qofka ugu badan ee wax walba u hura xiriirka, waana tan u bixisa bilaa soo celin iyo bilaa Abaal gud.

Waa tan marna kuu noqoto Gacaliso, marna kuu noqoto Walaal, marna Hooyo.

Waa tan nolosheeda oo dhan adiga dartaa u xayiri karta, si ay adiga kuu sugto kuuna siiso kalsooni.

Haddii aadan adiga intaas oo dhan u dareemin una awoodin in aad darteed u falceliso wey xanuunsataa, wey xanaaqdaa, wey fikirtaa, weyna baaba'daa, sababta waa walwalka aad ku beertay iyo garasho la'aantaada. Si kasta oo aad dambiile u tahay waa qof saamaxaad badan oo Toban laab qaladaadkaaga iska indha-tirta, bal in aad ku waano qaadato oo aad mar uun Baraarugto.

Haddii aad gaarsiiso heer ay karaahsato ficilladaada, ka niyad jabto isbeddel la'antaada, ku daasho dhaqankaaga qalafsan, kaa weyso naxariistey kaa mudneyd, daneyn la'aan iyo diirnax, waxaa hubaal ah in ay kaa tageyso tagid weliba aan soo laabasho laheyn.

Sida ay u dabooleyso fariimaha damiirkeedu kula dagaalayo, waxaa dhaceysa maalin ay baraarugto kaana istaagto xagal aadan waxba ka qaban karin. Adiga iyo dareenkaaguna waxa ay u xiisi doonaan daryeelkeedii iyo sida ay kuu koolkoolin jirtay.

Ogow waxaa adkaan doonta inaad gabar kale la qabsato, waxaadna ka dhex baari doontaa dabcigeeda mid kasta oo aad la kulanto.

Waxaad arki doontaa iyadoo qurux badnaatay, iyada oo hankeedii sii xoogeystay, horumar badanna hortaada ku gaartay. Markaa ayaad xaqiiqsan doontaa awoodda iyo tamarta ku duugan qof aan dareen hoggaamineyn iyo qalbi dartaa wax badan uga tanaasuli jiray, Waxaadna ka walaaci doontaa fursadihii aad dayacday iyo damiirkii aad ku tumatay.

Gabadhu intey kula hadleyso, kuu jawaabeyso, ku soo raadinayso, kuu samreyso, Wax badan kuu sheegayso, waa inta ay rejada iyo hanka kaa leedahay.

Ogow maalintey kaa aamusto ama ku soo hor fariisan waydo waa maalinta ay si cad oo aan soo laabasho laheyn uga baxday noloshaada.

Diyaarintii ustaad dhiirigeliye Deeqsi 
 

No comments:

Post a Comment

Jaceylka walaltinimada

  • Jaceylka walaltinimada . • Inaad aragto labo oo si dhab ah isku jaceyl waa aayar yacnii wey yar yihiin inaad aragto walalo is jaceyl a...