Wednesday, April 3, 2024

• MAXAA SABABA INAAD KA XIISO DHICIN JACEYLKA AAD U QABTID LAMAANAHAAGA?.


 . 

• MAXAA SABABA INAAD KA XIISO DHICIN JACEYLKA AAD U QABTID LAMAANAHAAGA?. 


Cid kasta oo Lamaane leh waxaa jiro Arrimo Qaas u ah oo uu ku jeclaado, welibana Dareenkiisu aad u jecleystaan, markuu kala kulmo Qofka uu Jecel yahay.

Hadaba Bini'aadamka waxey aad u jeceyl yihiin halka ay Naxariis iyo Jaceyl ka helaan, balse Xamdi iyadu Lamaanaheedu waxey ku jeclaatay Arrimahan, hoos ku Qoran:-

1- Waxaan aad u jecleystaaa Lamaanaheyga marka uu ii Dhoola Cadeynaayo Gaar ahaan Xiliga uu Anigu igu Lamaanyahay ee uu ila Qeybsanaayo Farxadda Gogosha.

2- Waxaan jecleeystaaa marka uu iigu soo Dhowaado inta uu Laabta iu qabto, si Deggen oo Farxadi ay ku jirto uu Dhegta Cod Deggen Wax iigu sheegaayo.

3- Waxaan jecleystaa Habka uu ii Dareensiiyo Jaceylka uu ii Qabo, isagoo mar walba igu Seexiya Laabtiisa (Xabadkiisa), Xilligaas oo  Anigoo dhan aan kala garan Cir iyo Dhul halka aan ku suganahay kkkk. 

4-  Waxaan jecleystaa Markuu igu Waaniyo Waddada Wanaaga, sida: Xijaabka, Tukashada Salaadda, ka Haridda Saaxiibada Xun xun iyo inaan Wehel ka dhigto Goobaha Kheyrka iyo meelaha Dadka Ahlu kheyrka ku kulmaan.

5- Waxaan jecleystaa Wicitaanka marka uu ii wacaayo, haddii aan Dad la joogo wuu i sugaa, markuu i wacaayana wuxuu iigu Wacaa Erayo aan jecleysto oo Laabta u Roon.

Dhammaan Qodobadaasi waxey igu Kalifeen Xaajigeyga inaan marnaba ka Xiiso dhicin,  waxaana mar kastaba Dareemaa Maalin weliba nahay Aroos iyo Aroosad.





Diyaarintii  ustaad dhiirigeliye Deeqsi


No comments:

Post a Comment

Jaceylka walaltinimada

  • Jaceylka walaltinimada . • Inaad aragto labo oo si dhab ah isku jaceyl waa aayar yacnii wey yar yihiin inaad aragto walalo is jaceyl a...