• Allah ka cabso
Aduunyadu aan ku noolnahay waa meel inala keeney inan ka sahey qaadano sahaduna waa iiman iyo camal saalix ah ,aduunyadu aan joogno waa goob shaqo waa goob ixtiraam badan sxp marka ku dadaal raali'ahaanshaha rabi swt .
Muminka dhabta ah waa midka runta badan waa midka oofiya Balamaha waa mid u gargara walalihiisa hadabo noqo muminin dhab ah oo hagaji xiriirka idinka dhaxeeyo adiga iyo Allah swt, Kuna dadaal salada oo joogteyna sameynta camalo wanagsan oo badi docada oo badi dikriga Alle oo badi u dhawaanshaha rabi swt.
Allah ka cabso oo jooji xumaanta aad sameyneyso ,Alle wuu ku arkaaya wuu ku maqlaaya wax aad Ku hadleyso wax aad sameyneyso, Alle waa deeqsi Alle waa kariim Alle wuu jacelyahay adoonka u tobadkeeno Alle wuu jacelyahay adoonka u gargara adoomadiisa yacnii caawiyo Alle wuu jacelyahay adoonka baryada badan ee mar walbo Alle kaalmo weydiiso .
Allah ka cabso walalayaal oo aan ku dadaalno xuska Alle iyo wax walbo oo ilaahey jaceyl yahay, Allah aan ka cabsano inta aan joogno aduunyada mar haddii aduunka laga tago ma lagu soo laabto ,ogow walal midas marka ka joogso xumaanta aad sameyneysid qalbigaaga ku xer Allah swt Alle ayaa ku qaboojin doona insha Allah, Alle wuxuu aad u jaceyl yahay adoonka cabsada oo saameya wax walbo uu Alle raali ka yahay .
Aaqiro waa goob abaalmarin waa goob uu Alle adoomadiisa ku sugayo kana abaalmarin doono camalkooda aaqiro ma dheero oo wey dhowdahay oo nafteena waa amaano oo sxp naftaada hagaaji oo kuu toosi wada toosan ee loo maro janada.
Mahadsanid.
Diyaarintii al ustaad dhiirigeliye Deeqsi

No comments:
Post a Comment