[ ] Jaceylka labada dhinac ah
Jaceylka dhabta ah marnaba ma noqdo mid xiiso ah iyo danano gaar ah laga leeyahay Wallow ay jiraan dad badan oo inoo muujinaayan dareeno been ah sida inaad u moodo inee yihiin kuwa si dhab ah inoo jaceyl .
Inaad qof aad jaceshahay keliya macno ma sameyneyso balse waxaa macnaha sameynaayo waxaa weeye inaad qof aad jaceshahay aad la qeybsato dareemaha ha noqdo murugo ha noqdo farxada xanuun caafimaad gaajo iyo barwaaaqo .
Sxb haddii aan la wadagin dareemaha halkaas jaceyl ma yaalo sababto ah Jaceylka dhab ah waa mid leys garab istaago waa mid leys ixtiraamaayo halka ay taalo degnan iyo xasilooni hadabo haddii aad aragtey jaceyl guuleystey ogow inuu jiro will cadeeyey raganimadiisa sidow kale gabar cadeeysey gabarnimadeyda halka laga helo jaceyl sidow kale waxaa laga hela nabada iyo xasilooni Haa sax halka ay timaado erayga jaceyl waxaa imada isku tiirsanan iyo is aaminaad .
Jaceylka waxa uu leeyahay xeerar iyo qaacidooyin balse dadka qaar ma yaqaanaan xeerarkaasi iyo qaacidooyinkaasii haddii ay fahmi lahaayeyn waxa uu jaceylkooda noqona lahaa mid guuleystey xeerarka oo ah dareen qabsi
Run isku sheegid
Qadarin iyo ixtiraam
Kalsooni iyo is aaminaad
Is garab istaagid
Isku damqasho
Isku naxriisasho
Is caawinaad
Isku hurida labada nafood
Is daryeelid
Iso soo xasuusin waajibka rabi swt .
Diyaarintii ustaad dhiirigeliye Deeqsi
No comments:
Post a Comment