• SIRTA JACEYLKA
Noloshu jaceyl la'an ayey ku sahlan tahay balse waa dhadhan la'an jaceylka waa qeyb ka mid ah nolosheena haddii uusan jiri laheyn jaceyl noloshu waxee noqon laheyd Mugdi iyo dhadhan la'an balse jaceylka ayaa ka dhiganayo nolosha mid qurux badan oo wanagsan jaceylka dhabta ah ma dhammaado weligiisa waa jiraaya .
Inta badan lammanaha waxa ay raadiyaan sirta jaceylka qaacidada ha ahaato marka hore inaad heshid ixtiram ka dibna jaceyl waayo jaceyl aan lagu dhisin ixtriaam ma sii nagaanayo yacnii wuu burburaya Kuma dhahay waxaad tahay qof qurux badan balse waaxaana ku dhahaya inaad tahay qof yaqaana macnaha jaceylka .
Haddii aad ka hesho qof yacnii aad jeclaato waxaana ku dhihi laha in qofkaas aad u sheegato jaceylkaaga riyo la'an guul ma gaari karno rabi la'an aduunkaba ma jiri laheyn jaceyl la'an waxbo ma dareemi laheyn .
Sirta jaceylka waa is fahan joogta ah waa isdaryeelid waa is caawinaad waa isku damqasho sirta jaceylka waa in labada qof ee isjaceyl ay kalsooni buuxda isku qabaan waa in labada qof ay iskula dulqaatan caqabadaha jaceylka iyo xanuunanadiisa sirta jaceylka in labadan qof is jaceyl ay yihiin kuwa naftood isku hura waa in labada qof ay noqdaan kuwa u taagan horumarinta jaceylkooda .
Sirta jaceylka waa In qofka qofkale dareensiyo inuu si dhab ah u jacelyahay jaceylka waa is xushmeyn waa is qadarin waa is daryeelid waa fuulid buuraha si loo gaaro hadaf laga leeyahay nolosha .
Jaceylka waxa uu ku baraya inaad aqbasho ceebaha qof aad jaceshahay jaceylka waa laan ka mid ah laaamaha aadanaha la xirira wuxuuna ka hadla in nolosha aduun ay macno ku leedahay jaceyl, naxriis,xasilooni.
Ha igu abuurin jaceyl been ah haddii aad I dhawaceyso oo aadan I xifdin Karin jaceylka ugu quruxda badan nolosha waa inaad hesho qof si dhab ah kuu jaceyl . Waad ku mahadsan tahay aqriskaaga wanagsan .
Diyaarintii al ustaad dhiirigeliye Deeqsi
Coach Mohammed Deeqsi
No comments:
Post a Comment