Tuesday, April 9, 2024

Allah Talo Saaro

 





• Allah Talo Saaro

Mahad oo dhan waxee u sugnaatey Allah swt oo na hanuuniye sidow kale Naga dhigey ummada ugu qeyrka badan aduunka nolosha waa mid qurux badan oo wanagsan .
Rasuulkeena muxamed scw waxa uu yiri "shan ka faa'iideyso inta Aysan shan kale kugu imaan kow ka faa'iideyso caafimaadkaaga inta aadan bukoonin labo ka faa'iideyso dhalanyaranimadada inta aadan gaboobin seddex ka faa'iideyso firaaqda inta aadan mashquulin afar ka faa'iideyso barwaaqada inta aadan faqiir noqonin shan ka faa'iideyso nolosha inta aadan Dhiman.

Qofka ugu quruxda badan ee aduunka waa qof Alle swt ku maneystey iimaan iyo camal saalix ah  aduunyada aan ku noolnahay waa meel imtixaam waa meel shaqo balse aaqiro waa  meel abaaalmarin waa meel lagu kala saari doona adoomada Alle swt marka walalayaal aan Alle ka cabsano aan badino xuska Alle swt aan badino u dhawaanshaha rabi swt aan badino docada aan badino kalsoonida aan ku qabno ilaahey aan badino sameeynta camalo wanagsan .

Talo saaro Allah swt oo aamin qadar rabi swt taladeena aan u dhiibano rabiga konkaan abuurey Allah marnaba nama dayacaayo oo Alle ayaa la jirkeen ah guushu aduunyo iyo mid aaqiro waxa ay ku jirta Annaga oo qaadano Amarka Allah swt  ilaahayo taladeyn midey tow fiiqna la siini walal ku kalsoonow ilaahey swt kuna Mahdi nimcooyinka Alle ku siiyey haddii ay noqoto maqalka, araga ,hadalka ,oo marnaba walal ha iloowin wixii lagu abuurey Kuna dadaal raali'ahaanshaha rabi swt  .

Talo saaro Allah swt  waayo waa mid abuurey konkaan Alle waa keligiisa waxna ma dhalin lamana dhalo marka aan adeecno .

Walal fiiri Kan buka waxa uu rajeynaya inuu maalin un helo caafimaad taam ah  walal fiiri kuwa fuqarada ah waxa ay rajeynayaan maali un in ay helan waxa ay baahidooda iska daboolan  qofka ugu taajirsan caalamka waa qofka eebe ku ku manaystey iimaan iyo camaal saalix marka walalayaal aan u shaqeeysano mustaqbalkeena dhow yacnii aaqiradeena Kuna dadal walal maalin walbo raali'ahaanshaha rabi swt ku dadaal walal joogteynta saladaha Ku dadal walal wax aduun iyo aaqiro ku anfacaya ku dadal walal xuska ilaahey  walal taladada rabigaaga u dhiibo Kua. Qanacsanow qadartiisa .

Sxp ku dadal aqrinta Quranka kariimka sxp ku dadaal sxp ka miro dhalinta hadafyada iyo himilooyinkaaga nolosha sxp ku dadaal u baari noqoshada waalidiintaada waa sirta aduun iyo aaqiro lagu guueleysto .


Diyaarintii al ustaad dhiirigeliye Deeqsi 

No comments:

Post a Comment

Jaceylka walaltinimada

  • Jaceylka walaltinimada . • Inaad aragto labo oo si dhab ah isku jaceyl waa aayar yacnii wey yar yihiin inaad aragto walalo is jaceyl a...