Friday, April 19, 2024

Jaceylka walaltinimada

 




• Jaceylka walaltinimada .

Inaad aragto labo oo si dhab ah isku jaceyl waa aayar yacnii wey yar yihiin inaad aragto walalo is jaceyl ayaduna wey Kooban tahay si walbo ha ahaato waxaa muhiim ah inan  inan si caawino walal caawi kuwa u Bahan caawinaad yacnii in la garab istaago ,walal aan noqono kuwa isku faano aan noqono kuwa isjaceyl ,noloshu wey fududahay balse dadka ayaa ka dhigeyna mid adag .


Inaad jaclaato walalkaaga waa mid Ina fareyso diinteena suuban jeclow walalkaaga muslimka ah jeclow iyaga xita haddii ay yihin cadowgaaga jeclow walalkaaga xita haddii uu yahay mid xun walalo is jaceyl waxaa lagu garta waa dabeecada wanagsan waxaa lagu garta waa aqlaaq wanagsan walalo isjaceyl waxaa lagu garta waa kuwa is jaceyl .

Kan ku jaceyl waa kan sharaftaada ilaaliyo Kan ku jaceyl waa kan kaa fikiro walalo is jaceyl waa walalo isku duuban walalo is jaceyl ayaa ka wanagsna jaceylka dhabta ah ee dhexmara labada qof .

Mahadsanid.

Diyaarintii al ustaad dhiirigeliye Deeqsi 

Dhibaatada xabsiga


 


1. Dhiibaatada xabsiga

Inta badan dadku ma dareeman qiimaha xorriyada ku nolow nolol xor Hana ka baqin tijaabinta  hadafyada iyo himilooyinkaaga nolosha.

Muhiimada dhalanyaranimada waxaa dareemi Karo kuwa duqoobey    muhiimada caafimaadkaag waxaa dareemi Karo kuwa buka muhiimada firaaqada waxaa dareemi Karo kuwa xabsiyada ku xeran .

Qorshaha wanagsan ayey ka bilaabata nolol wangsan sida owgeed  waa inan nolosheena qorsheena oo aan u dejina ahdaaf iyo hadafyo ay hiigsato kuwa guuleystey waa kuwa gartey qiimaha guusha kuwa fashilmey waa kuwa gartey qiimaha guuldarada  .

Inaad keligaaga nowlaato ayaa ka muhiimsan inaad la nowlaato dad badan oo aan noloshaada waxbo ku soo kordhineynin ka shaqee naftaada waa furaha guusha iyo horumarka inaad naftaada ku mashquusho ayaa kuu Dan ah oo naftaada hogaami oo jiheeyaha u qabo .
Noloshu mar waxee kugu soo qabileysa weji qurux badan oo ka qurux badan dhaldhalalka ubaxyada marna waxee kugu soo qaabileysa weji xun oo ka xun dhuxusha .nolosheena wey qurux badan tahay quruxdaas waxaa arka qofka keliya ee horumar gaaro kana dhabeeyo hadafyadiisa iyo himilooyinkiiaa nolosha .

Nolosha waa mid adag keliya waxaa ka gudbi Kara waa nin adag oo u diyaar ah inuu gaaro horumar la taaban Karo.

Mahadsanid

Diyaarintii al ustaad dhiirigeliye Deeqsi 

Thursday, April 18, 2024

Allah ka cabso

 



• Allah ka cabso


Aduunyadu aan ku noolnahay waa meel inala keeney inan ka sahey qaadano sahaduna waa iiman iyo camal saalix ah ,aduunyadu aan joogno waa goob shaqo waa goob ixtiraam badan sxp marka ku dadaal raali'ahaanshaha rabi swt .

Muminka dhabta ah waa midka runta badan waa midka oofiya  Balamaha waa mid u gargara walalihiisa hadabo noqo muminin dhab ah oo hagaji xiriirka idinka dhaxeeyo adiga iyo Allah swt, Kuna dadaal salada oo joogteyna sameynta camalo wanagsan oo badi docada oo badi dikriga Alle oo badi u dhawaanshaha rabi swt.

Allah ka cabso oo jooji xumaanta aad sameyneyso ,Alle wuu ku arkaaya wuu ku maqlaaya wax aad Ku hadleyso wax aad sameyneyso, Alle waa deeqsi Alle waa kariim Alle wuu jacelyahay adoonka u tobadkeeno  Alle wuu jacelyahay adoonka u gargara adoomadiisa yacnii caawiyo Alle wuu jacelyahay  adoonka  baryada badan ee mar walbo Alle kaalmo weydiiso .

Allah ka cabso walalayaal oo aan ku dadaalno xuska Alle iyo wax walbo oo ilaahey jaceyl yahay, Allah aan ka cabsano inta aan joogno aduunyada mar haddii aduunka laga tago ma lagu soo laabto ,ogow walal midas marka ka joogso xumaanta aad sameyneysid  qalbigaaga ku xer Allah swt Alle ayaa ku qaboojin doona insha Allah, Alle wuxuu aad u jaceyl yahay adoonka cabsada oo saameya wax walbo uu Alle raali ka yahay .

Aaqiro waa goob abaalmarin waa goob uu Alle adoomadiisa ku sugayo kana abaalmarin doono camalkooda aaqiro ma dheero oo wey dhowdahay oo nafteena waa amaano oo sxp naftaada hagaaji oo kuu toosi wada toosan ee loo maro janada.

Mahadsanid.

Diyaarintii al ustaad dhiirigeliye Deeqsi 

Safarka guusha

 



1. Safarka guusha
Qof walbo oo Naga mid ah wuxuu rajeynaya inuu guuleysto sxp haddii aad tahay qof hansare leh maxaa kuu diidaya inaad garto hankaad hiigsaneyso aniga waxaana jaclahey horumarka iyo guusha qofkastana waa sidaas oo kale .

Inta aad ku sugan tahay wadada guusha waxaad la kulmi doonta caqabado badan ,inaad guuleysato Uma bahnid inaad leedahay dhaqaale badan inaad guuleysatio Uma bahnid inaad tahay qof magaca leh inaad guuleysato Uma bahnid inaad tahay qof xoog badan  .

Horumarka iyo guusha waxaa lagu gaara dadaal badan ficil badan adkeysi badan kuwa guuleystey waa kuwa ugu dhiibaatada badan soo marey ,isdhiibiyaasha ma guuleysatan guuleystayaashuna isma dhiiban sidas daradeed adiga ha is dhiibin ma jirto Cid ku diidi karto inaad ka dhabeyso hadafyadaada iyo himilooyinkaaga nolosha  qof walbo guuleystey guushiisa waxaa ka dambeysey waa haween wanagsan waa hooyadiisa ama xaaskiisa qofkii labada kulansado labo jeer ayuu guuleystey.


Dadka qaar waxee ka baqaan fashilka haka baqin fashilka haddii aad tahay mid rajeynaya inuuu guuleysto guuldarada waa wadada guush sidas owgeed waad dhici karta waad fashilmi karta waad cabsan karta waad daali karta waad cishoona karta waad caajisi karta haddii aad taqaano guul waad gaari karta hankaaga iyo himilooyinkaaga nolosha.
Mahadsanid.
Diyaarintii al ustaad dhiirigeliye Deeqsi 

Friday, April 12, 2024

Caqabadaha nolosha


 

• Caqabadaha nolosha .

Adiga ha iska dhigin wax aadan Aheyn adigu waxad tahay qof wanagsan kaasi oo yaqaana macnaha saaxiibtinimada .

Walal inta aad nowshahay kama dhamman doonan Caqabadaha nolosha, inta aad nowshahay waxaad la kulmi doonta fadeexeyn iyo Caqabado badan .

Inta aad  nowshahay waxaad arkeysa dad badan ka shaqeynaya guuldarada  waxaad arki doonta kuwa badan oo sheg sheegayan ceebahahaga ,inta aad nowshahay waxaad la kulmi doonta dad leh wejiyo fara badan ,inta aad nowshahay ka faa'iideyso waqtigaaga oo ku raaxeyso noloshaada kana dhig noloshaada mid wanagsan oo qurux badan .inta aad ku sugan tahay wadada guush waxaad la kulmi doonta Caqabado fara badan oo ay ka mid yihiin in Dadku kuu sheegi doonan in aadan gaari Karin  halka aad higsaneyso waxee kuu sheegi doonan in horta jirey uu sameyni waayey  ,maalin kasta waa fursad cusub ee aad ku bedeli karto noloshaada .

Abaalmarinta ugu wanagsan ee qof siin Karo saaxiibtiisa waa waqtigiisa waa dareenkiisa jaceylkiisa ,samirka waa furaha guusha Alle waxa uu yiri "kalmeysta samirka iyo salada " .

Caqabadaha nolosha waa qeyb ka mid ah nolosheena.jeclow qof kuu nasteexeenayow jeclow qof qarinaya ceebahaaga jeclow qof ka qeyb qaadanayow horumarkaaga iyo guushaada   jeclow qof kuu siinaya  waano iyo talooyin xikmadeysan .
U dulqaado cadowgaaga iyo kuwa faafiya ceebahaaga  ,guurso qof kuu arkaayo inaad tahay qof dhammeystiri Karo noloshaada   .

Horumarka iyo  guusha waxee u Bahan yihiin dadaal iyo shaqo adag ,horumarkaaga waxaana ku gaari karno aqris badan doonis xoog badan muhiim ma ahan qof aad tahay maanta balse waxaa muhiim ah qofka aad noqoni doonto mustaqbalka insha Allah.

Sxb inaad isbedel dhab ah sameyso waxaa kaa hortagan cabsi welwel go'aan la'an  wahsi  sxb yeelo hadaf iyo hansare oo ka gudub caqabadaha nolosha oo wajaha duruufaha adag ee nolosha oo qaado go'aano kuu  horseedi karo guulo iyo farxada.

Mahadsanid.

Diyaarintii al ustaad dhiirigeliye Deeqsi 


Thursday, April 11, 2024

KU RAAXEYSO NOLOSHA


 • Ku raaxeyso noloshaada .



Miyaad ilmeyneysa miyaad weyde jaceylkaaga miyaad nacdey dadka miyaad Weyde qof ku siiyo dareen jaceyl dhab ah miyaad weyde dhaqaale iyo dakhli aad ku maareyso noloshaada miyaad weyde dhiirigelin iyo caawinad miyaad weyde caafimaadkaaga miyaad weyde muxabo iyo kalgaceyl miyaad kugu adkaatey aqrinta casharada iyo xifdintooda .

Ha murugoonin sxp nolosha wey wejiyo badan mar waxee kugu soo qaabileysa farxada marna waa murugo joogt ah mar waa caafimaad marna waa xanuun marna waa taajirnimo mar waa saboolnimo marna waa guul mar waa guuldaro marna waa jaceyl mar waa naceyb .

Waqtigaan wuu tagayaa waqtigii ilmeysiintana wuu tagaya caqabadaha iyo duruufaha nolosha ku Mahdi rabi swt xalad walbo oo aad ku sugan tahay ii sheeg inaad tahay qof wanagsan oo wax walbo Karo sidow kale naftaada usheeg inaad ka bixi doonto waqtiyada nolosha iyo waayaha adag ee nolosha oo aad Dib u heli doonto farxadaada iyo degnaantaada jaceylkaaga kartidada  awooddada caafimaadkaaga marka sad ka dhigo samirka iyo salad .

Una dhaqaq xaga ay ku jirto guusha iyo liibaanta mar walbo ku xernow  rabi swt waayo guusha idil asaga haaya . Ha murugoonin walal maxaa yeeley murugada waxee ka mashquulineysa hadafkaaga iyo  mustaqbalkaaag quruxda badna mararka qaar waad u Bahan tahay inaad murugooto si aad u darento qiimaha farxada iyo degnanta .
Ha murugoonin walal maxaa yeeley murugada waxa ay ku soo xasuusineysa waqtiyadii adkaa iyo maalmihii xuma ee aad soo martey  ,Ha murugoonin walal maxaa yeeley murugada waa mid ka daboleyso hadafyada iyo himilooyinkaaga quruxda badan waxeyna kaq dhigeysa mid duleysan oo ka quustey nolosha iyo la nowlasha dadka kale   .
Kuwa sida  dhabta ah u liibaaney waa kuwa sida dhabta ah u raaligeliyey Allah swt .
Mahadsanid.

Diyaarintii al ustaad dhiirigeliye Deeqsi 

Tuesday, April 9, 2024

GABADHU MAXEY U QURXOONAATAA MARKA AY NINKA KALA TAGAAN ?.



Qof walba wuxuu isweydiiyaa maxey gabadha u Qurxonaataa markey kala tagaan qofkeeda?

Bal Sababta ila Ogow.

Gabadha marka ay qofkeeda kala tagaan way qurux badnaata, maxaa yeelay:-

Waa iyada qofka ugu badan ee xiriirka adkeeya, oo weliba u rafaada, naftana u hurta.

Waa iyada qofta inta badan u dhibtoota  xiriirka kala dhaxeeyo ruuxa kale. Wey u silcaysaa isaga dartiis, way u daashaa isaga dartiis wayna isku howshaa wanaajintiis.

Waa iyada Qofta u hurta wax walboy heysato, si uu qanacsanaado, wey u Oysaa, u dhafartaa una dhibtootaa si uu isaga farxad u helo.

Mararka qaar waxay sameysaa waxaan suurta gal ka ahaan laheyn haddii eysan jeclaan laheyn, si ay isaga ugu dhawaato.

Waa bini'aadame mar Alla markii uu arko sida ay u jeceshahay, sida ay ugu waalan tahay iyo sida ay Madaxa uga saaran yahay ayuu wuxuu ka qaadaa Kibir iyo is qaadqaad.  Waxaa ka dhaadhacsan kaama maaranto oo la'aantaa ma faraxsanaan karto, waase Warjira moog.

Gabadhu way jeceshahay ilaalinta sharafteeda iyo dadnimadeeda, weyna sareysaa oo qabkeeda uma quuri laheyn wax badan oo qaldan iney kugu qaadato, hase ahaatee waxa ay isku dhul dhigeyso ayaa ah, si uu isaga ula joogo oo ay u wada farxaan.

Sababtey u qurux badnaato markey qofkeeda kala tagaan waxa ugu wayni waa iney nasiino ku filan heleyso.

Haweenaydu waa qofka ugu badan ee wax walba u hura xiriirka, waana tan u bixisa bilaa soo celin iyo bilaa Abaal gud.

Waa tan marna kuu noqoto Gacaliso, marna kuu noqoto Walaal, marna Hooyo.

Waa tan nolosheeda oo dhan adiga dartaa u xayiri karta, si ay adiga kuu sugto kuuna siiso kalsooni.

Haddii aadan adiga intaas oo dhan u dareemin una awoodin in aad darteed u falceliso wey xanuunsataa, wey xanaaqdaa, wey fikirtaa, weyna baaba'daa, sababta waa walwalka aad ku beertay iyo garasho la'aantaada. Si kasta oo aad dambiile u tahay waa qof saamaxaad badan oo Toban laab qaladaadkaaga iska indha-tirta, bal in aad ku waano qaadato oo aad mar uun Baraarugto.

Haddii aad gaarsiiso heer ay karaahsato ficilladaada, ka niyad jabto isbeddel la'antaada, ku daasho dhaqankaaga qalafsan, kaa weyso naxariistey kaa mudneyd, daneyn la'aan iyo diirnax, waxaa hubaal ah in ay kaa tageyso tagid weliba aan soo laabasho laheyn.

Sida ay u dabooleyso fariimaha damiirkeedu kula dagaalayo, waxaa dhaceysa maalin ay baraarugto kaana istaagto xagal aadan waxba ka qaban karin. Adiga iyo dareenkaaguna waxa ay u xiisi doonaan daryeelkeedii iyo sida ay kuu koolkoolin jirtay.

Ogow waxaa adkaan doonta inaad gabar kale la qabsato, waxaadna ka dhex baari doontaa dabcigeeda mid kasta oo aad la kulanto.

Waxaad arki doontaa iyadoo qurux badnaatay, iyada oo hankeedii sii xoogeystay, horumar badanna hortaada ku gaartay. Markaa ayaad xaqiiqsan doontaa awoodda iyo tamarta ku duugan qof aan dareen hoggaamineyn iyo qalbi dartaa wax badan uga tanaasuli jiray, Waxaadna ka walaaci doontaa fursadihii aad dayacday iyo damiirkii aad ku tumatay.

Gabadhu intey kula hadleyso, kuu jawaabeyso, ku soo raadinayso, kuu samreyso, Wax badan kuu sheegayso, waa inta ay rejada iyo hanka kaa leedahay.

Ogow maalintey kaa aamusto ama ku soo hor fariisan waydo waa maalinta ay si cad oo aan soo laabasho laheyn uga baxday noloshaada.

Diyaarintii ustaad dhiirigeliye Deeqsi 
 

Jaceylka walaltinimada

  • Jaceylka walaltinimada . • Inaad aragto labo oo si dhab ah isku jaceyl waa aayar yacnii wey yar yihiin inaad aragto walalo is jaceyl a...