Friday, April 19, 2024

Jaceylka walaltinimada

 




• Jaceylka walaltinimada .

Inaad aragto labo oo si dhab ah isku jaceyl waa aayar yacnii wey yar yihiin inaad aragto walalo is jaceyl ayaduna wey Kooban tahay si walbo ha ahaato waxaa muhiim ah inan  inan si caawino walal caawi kuwa u Bahan caawinaad yacnii in la garab istaago ,walal aan noqono kuwa isku faano aan noqono kuwa isjaceyl ,noloshu wey fududahay balse dadka ayaa ka dhigeyna mid adag .


Inaad jaclaato walalkaaga waa mid Ina fareyso diinteena suuban jeclow walalkaaga muslimka ah jeclow iyaga xita haddii ay yihin cadowgaaga jeclow walalkaaga xita haddii uu yahay mid xun walalo is jaceyl waxaa lagu garta waa dabeecada wanagsan waxaa lagu garta waa aqlaaq wanagsan walalo isjaceyl waxaa lagu garta waa kuwa is jaceyl .

Kan ku jaceyl waa kan sharaftaada ilaaliyo Kan ku jaceyl waa kan kaa fikiro walalo is jaceyl waa walalo isku duuban walalo is jaceyl ayaa ka wanagsna jaceylka dhabta ah ee dhexmara labada qof .

Mahadsanid.

Diyaarintii al ustaad dhiirigeliye Deeqsi 

Dhibaatada xabsiga


 


1. Dhiibaatada xabsiga

Inta badan dadku ma dareeman qiimaha xorriyada ku nolow nolol xor Hana ka baqin tijaabinta  hadafyada iyo himilooyinkaaga nolosha.

Muhiimada dhalanyaranimada waxaa dareemi Karo kuwa duqoobey    muhiimada caafimaadkaag waxaa dareemi Karo kuwa buka muhiimada firaaqada waxaa dareemi Karo kuwa xabsiyada ku xeran .

Qorshaha wanagsan ayey ka bilaabata nolol wangsan sida owgeed  waa inan nolosheena qorsheena oo aan u dejina ahdaaf iyo hadafyo ay hiigsato kuwa guuleystey waa kuwa gartey qiimaha guusha kuwa fashilmey waa kuwa gartey qiimaha guuldarada  .

Inaad keligaaga nowlaato ayaa ka muhiimsan inaad la nowlaato dad badan oo aan noloshaada waxbo ku soo kordhineynin ka shaqee naftaada waa furaha guusha iyo horumarka inaad naftaada ku mashquusho ayaa kuu Dan ah oo naftaada hogaami oo jiheeyaha u qabo .
Noloshu mar waxee kugu soo qabileysa weji qurux badan oo ka qurux badan dhaldhalalka ubaxyada marna waxee kugu soo qaabileysa weji xun oo ka xun dhuxusha .nolosheena wey qurux badan tahay quruxdaas waxaa arka qofka keliya ee horumar gaaro kana dhabeeyo hadafyadiisa iyo himilooyinkiiaa nolosha .

Nolosha waa mid adag keliya waxaa ka gudbi Kara waa nin adag oo u diyaar ah inuu gaaro horumar la taaban Karo.

Mahadsanid

Diyaarintii al ustaad dhiirigeliye Deeqsi 

Thursday, April 18, 2024

Allah ka cabso

 



• Allah ka cabso


Aduunyadu aan ku noolnahay waa meel inala keeney inan ka sahey qaadano sahaduna waa iiman iyo camal saalix ah ,aduunyadu aan joogno waa goob shaqo waa goob ixtiraam badan sxp marka ku dadaal raali'ahaanshaha rabi swt .

Muminka dhabta ah waa midka runta badan waa midka oofiya  Balamaha waa mid u gargara walalihiisa hadabo noqo muminin dhab ah oo hagaji xiriirka idinka dhaxeeyo adiga iyo Allah swt, Kuna dadaal salada oo joogteyna sameynta camalo wanagsan oo badi docada oo badi dikriga Alle oo badi u dhawaanshaha rabi swt.

Allah ka cabso oo jooji xumaanta aad sameyneyso ,Alle wuu ku arkaaya wuu ku maqlaaya wax aad Ku hadleyso wax aad sameyneyso, Alle waa deeqsi Alle waa kariim Alle wuu jacelyahay adoonka u tobadkeeno  Alle wuu jacelyahay adoonka u gargara adoomadiisa yacnii caawiyo Alle wuu jacelyahay  adoonka  baryada badan ee mar walbo Alle kaalmo weydiiso .

Allah ka cabso walalayaal oo aan ku dadaalno xuska Alle iyo wax walbo oo ilaahey jaceyl yahay, Allah aan ka cabsano inta aan joogno aduunyada mar haddii aduunka laga tago ma lagu soo laabto ,ogow walal midas marka ka joogso xumaanta aad sameyneysid  qalbigaaga ku xer Allah swt Alle ayaa ku qaboojin doona insha Allah, Alle wuxuu aad u jaceyl yahay adoonka cabsada oo saameya wax walbo uu Alle raali ka yahay .

Aaqiro waa goob abaalmarin waa goob uu Alle adoomadiisa ku sugayo kana abaalmarin doono camalkooda aaqiro ma dheero oo wey dhowdahay oo nafteena waa amaano oo sxp naftaada hagaaji oo kuu toosi wada toosan ee loo maro janada.

Mahadsanid.

Diyaarintii al ustaad dhiirigeliye Deeqsi 

Safarka guusha

 



1. Safarka guusha
Qof walbo oo Naga mid ah wuxuu rajeynaya inuu guuleysto sxp haddii aad tahay qof hansare leh maxaa kuu diidaya inaad garto hankaad hiigsaneyso aniga waxaana jaclahey horumarka iyo guusha qofkastana waa sidaas oo kale .

Inta aad ku sugan tahay wadada guusha waxaad la kulmi doonta caqabado badan ,inaad guuleysato Uma bahnid inaad leedahay dhaqaale badan inaad guuleysatio Uma bahnid inaad tahay qof magaca leh inaad guuleysato Uma bahnid inaad tahay qof xoog badan  .

Horumarka iyo guusha waxaa lagu gaara dadaal badan ficil badan adkeysi badan kuwa guuleystey waa kuwa ugu dhiibaatada badan soo marey ,isdhiibiyaasha ma guuleysatan guuleystayaashuna isma dhiiban sidas daradeed adiga ha is dhiibin ma jirto Cid ku diidi karto inaad ka dhabeyso hadafyadaada iyo himilooyinkaaga nolosha  qof walbo guuleystey guushiisa waxaa ka dambeysey waa haween wanagsan waa hooyadiisa ama xaaskiisa qofkii labada kulansado labo jeer ayuu guuleystey.


Dadka qaar waxee ka baqaan fashilka haka baqin fashilka haddii aad tahay mid rajeynaya inuuu guuleysto guuldarada waa wadada guush sidas owgeed waad dhici karta waad fashilmi karta waad cabsan karta waad daali karta waad cishoona karta waad caajisi karta haddii aad taqaano guul waad gaari karta hankaaga iyo himilooyinkaaga nolosha.
Mahadsanid.
Diyaarintii al ustaad dhiirigeliye Deeqsi 

Friday, April 12, 2024

Caqabadaha nolosha


 

• Caqabadaha nolosha .

Adiga ha iska dhigin wax aadan Aheyn adigu waxad tahay qof wanagsan kaasi oo yaqaana macnaha saaxiibtinimada .

Walal inta aad nowshahay kama dhamman doonan Caqabadaha nolosha, inta aad nowshahay waxaad la kulmi doonta fadeexeyn iyo Caqabado badan .

Inta aad  nowshahay waxaad arkeysa dad badan ka shaqeynaya guuldarada  waxaad arki doonta kuwa badan oo sheg sheegayan ceebahahaga ,inta aad nowshahay waxaad la kulmi doonta dad leh wejiyo fara badan ,inta aad nowshahay ka faa'iideyso waqtigaaga oo ku raaxeyso noloshaada kana dhig noloshaada mid wanagsan oo qurux badan .inta aad ku sugan tahay wadada guush waxaad la kulmi doonta Caqabado fara badan oo ay ka mid yihiin in Dadku kuu sheegi doonan in aadan gaari Karin  halka aad higsaneyso waxee kuu sheegi doonan in horta jirey uu sameyni waayey  ,maalin kasta waa fursad cusub ee aad ku bedeli karto noloshaada .

Abaalmarinta ugu wanagsan ee qof siin Karo saaxiibtiisa waa waqtigiisa waa dareenkiisa jaceylkiisa ,samirka waa furaha guusha Alle waxa uu yiri "kalmeysta samirka iyo salada " .

Caqabadaha nolosha waa qeyb ka mid ah nolosheena.jeclow qof kuu nasteexeenayow jeclow qof qarinaya ceebahaaga jeclow qof ka qeyb qaadanayow horumarkaaga iyo guushaada   jeclow qof kuu siinaya  waano iyo talooyin xikmadeysan .
U dulqaado cadowgaaga iyo kuwa faafiya ceebahaaga  ,guurso qof kuu arkaayo inaad tahay qof dhammeystiri Karo noloshaada   .

Horumarka iyo  guusha waxee u Bahan yihiin dadaal iyo shaqo adag ,horumarkaaga waxaana ku gaari karno aqris badan doonis xoog badan muhiim ma ahan qof aad tahay maanta balse waxaa muhiim ah qofka aad noqoni doonto mustaqbalka insha Allah.

Sxb inaad isbedel dhab ah sameyso waxaa kaa hortagan cabsi welwel go'aan la'an  wahsi  sxb yeelo hadaf iyo hansare oo ka gudub caqabadaha nolosha oo wajaha duruufaha adag ee nolosha oo qaado go'aano kuu  horseedi karo guulo iyo farxada.

Mahadsanid.

Diyaarintii al ustaad dhiirigeliye Deeqsi 


Thursday, April 11, 2024

KU RAAXEYSO NOLOSHA


 • Ku raaxeyso noloshaada .



Miyaad ilmeyneysa miyaad weyde jaceylkaaga miyaad nacdey dadka miyaad Weyde qof ku siiyo dareen jaceyl dhab ah miyaad weyde dhaqaale iyo dakhli aad ku maareyso noloshaada miyaad weyde dhiirigelin iyo caawinad miyaad weyde caafimaadkaaga miyaad weyde muxabo iyo kalgaceyl miyaad kugu adkaatey aqrinta casharada iyo xifdintooda .

Ha murugoonin sxp nolosha wey wejiyo badan mar waxee kugu soo qaabileysa farxada marna waa murugo joogt ah mar waa caafimaad marna waa xanuun marna waa taajirnimo mar waa saboolnimo marna waa guul mar waa guuldaro marna waa jaceyl mar waa naceyb .

Waqtigaan wuu tagayaa waqtigii ilmeysiintana wuu tagaya caqabadaha iyo duruufaha nolosha ku Mahdi rabi swt xalad walbo oo aad ku sugan tahay ii sheeg inaad tahay qof wanagsan oo wax walbo Karo sidow kale naftaada usheeg inaad ka bixi doonto waqtiyada nolosha iyo waayaha adag ee nolosha oo aad Dib u heli doonto farxadaada iyo degnaantaada jaceylkaaga kartidada  awooddada caafimaadkaaga marka sad ka dhigo samirka iyo salad .

Una dhaqaq xaga ay ku jirto guusha iyo liibaanta mar walbo ku xernow  rabi swt waayo guusha idil asaga haaya . Ha murugoonin walal maxaa yeeley murugada waxee ka mashquulineysa hadafkaaga iyo  mustaqbalkaaag quruxda badna mararka qaar waad u Bahan tahay inaad murugooto si aad u darento qiimaha farxada iyo degnanta .
Ha murugoonin walal maxaa yeeley murugada waxa ay ku soo xasuusineysa waqtiyadii adkaa iyo maalmihii xuma ee aad soo martey  ,Ha murugoonin walal maxaa yeeley murugada waa mid ka daboleyso hadafyada iyo himilooyinkaaga quruxda badan waxeyna kaq dhigeysa mid duleysan oo ka quustey nolosha iyo la nowlasha dadka kale   .
Kuwa sida  dhabta ah u liibaaney waa kuwa sida dhabta ah u raaligeliyey Allah swt .
Mahadsanid.

Diyaarintii al ustaad dhiirigeliye Deeqsi 

Tuesday, April 9, 2024

GABADHU MAXEY U QURXOONAATAA MARKA AY NINKA KALA TAGAAN ?.



Qof walba wuxuu isweydiiyaa maxey gabadha u Qurxonaataa markey kala tagaan qofkeeda?

Bal Sababta ila Ogow.

Gabadha marka ay qofkeeda kala tagaan way qurux badnaata, maxaa yeelay:-

Waa iyada qofka ugu badan ee xiriirka adkeeya, oo weliba u rafaada, naftana u hurta.

Waa iyada qofta inta badan u dhibtoota  xiriirka kala dhaxeeyo ruuxa kale. Wey u silcaysaa isaga dartiis, way u daashaa isaga dartiis wayna isku howshaa wanaajintiis.

Waa iyada Qofta u hurta wax walboy heysato, si uu qanacsanaado, wey u Oysaa, u dhafartaa una dhibtootaa si uu isaga farxad u helo.

Mararka qaar waxay sameysaa waxaan suurta gal ka ahaan laheyn haddii eysan jeclaan laheyn, si ay isaga ugu dhawaato.

Waa bini'aadame mar Alla markii uu arko sida ay u jeceshahay, sida ay ugu waalan tahay iyo sida ay Madaxa uga saaran yahay ayuu wuxuu ka qaadaa Kibir iyo is qaadqaad.  Waxaa ka dhaadhacsan kaama maaranto oo la'aantaa ma faraxsanaan karto, waase Warjira moog.

Gabadhu way jeceshahay ilaalinta sharafteeda iyo dadnimadeeda, weyna sareysaa oo qabkeeda uma quuri laheyn wax badan oo qaldan iney kugu qaadato, hase ahaatee waxa ay isku dhul dhigeyso ayaa ah, si uu isaga ula joogo oo ay u wada farxaan.

Sababtey u qurux badnaato markey qofkeeda kala tagaan waxa ugu wayni waa iney nasiino ku filan heleyso.

Haweenaydu waa qofka ugu badan ee wax walba u hura xiriirka, waana tan u bixisa bilaa soo celin iyo bilaa Abaal gud.

Waa tan marna kuu noqoto Gacaliso, marna kuu noqoto Walaal, marna Hooyo.

Waa tan nolosheeda oo dhan adiga dartaa u xayiri karta, si ay adiga kuu sugto kuuna siiso kalsooni.

Haddii aadan adiga intaas oo dhan u dareemin una awoodin in aad darteed u falceliso wey xanuunsataa, wey xanaaqdaa, wey fikirtaa, weyna baaba'daa, sababta waa walwalka aad ku beertay iyo garasho la'aantaada. Si kasta oo aad dambiile u tahay waa qof saamaxaad badan oo Toban laab qaladaadkaaga iska indha-tirta, bal in aad ku waano qaadato oo aad mar uun Baraarugto.

Haddii aad gaarsiiso heer ay karaahsato ficilladaada, ka niyad jabto isbeddel la'antaada, ku daasho dhaqankaaga qalafsan, kaa weyso naxariistey kaa mudneyd, daneyn la'aan iyo diirnax, waxaa hubaal ah in ay kaa tageyso tagid weliba aan soo laabasho laheyn.

Sida ay u dabooleyso fariimaha damiirkeedu kula dagaalayo, waxaa dhaceysa maalin ay baraarugto kaana istaagto xagal aadan waxba ka qaban karin. Adiga iyo dareenkaaguna waxa ay u xiisi doonaan daryeelkeedii iyo sida ay kuu koolkoolin jirtay.

Ogow waxaa adkaan doonta inaad gabar kale la qabsato, waxaadna ka dhex baari doontaa dabcigeeda mid kasta oo aad la kulanto.

Waxaad arki doontaa iyadoo qurux badnaatay, iyada oo hankeedii sii xoogeystay, horumar badanna hortaada ku gaartay. Markaa ayaad xaqiiqsan doontaa awoodda iyo tamarta ku duugan qof aan dareen hoggaamineyn iyo qalbi dartaa wax badan uga tanaasuli jiray, Waxaadna ka walaaci doontaa fursadihii aad dayacday iyo damiirkii aad ku tumatay.

Gabadhu intey kula hadleyso, kuu jawaabeyso, ku soo raadinayso, kuu samreyso, Wax badan kuu sheegayso, waa inta ay rejada iyo hanka kaa leedahay.

Ogow maalintey kaa aamusto ama ku soo hor fariisan waydo waa maalinta ay si cad oo aan soo laabasho laheyn uga baxday noloshaada.

Diyaarintii ustaad dhiirigeliye Deeqsi 
 

Guurso qof wanagsan


 

• Guurso qof wanagsan

Noloshu jaceyl la'an macno ma lahan   noloshu jaceyl  la'an ayey ku qurux badan tahay balse waa dhadhan la'an  .

Walal guurso qof wanagsan Haa walal iska fiiri qofka aad nolosha la wadageyso Rasuulkeena Muxamed waxa uu yiri "haddii uu niyi yimaado nin aad u bogtan aqlaaqdiisa iyo diintiisa u guuriya haddii kale aduunka fitno ayaa ka dhaceyso ".

Qof walbo oo Naga mid ah waxaa uu raadinaya qof wanagansan,  sifooyinka qofka wanagsan waxaa ka mid ah  waa qof run badan waa qof ku dadaal raali'ahaanshaha rabi swt waa qof aqlaaq wanagsan  waa qof dhaqan wanagsan ,qofka wanagsan ma bedelan duruufaha Kan deeqsi ahi weligiisa waxa uu ahaanaya Deeqsi Kan saamaxada badan weliigiisa waxa uu ahaanaya qof cafis badan .

Walal guurso qof ku dadaalaya raaligelinta rabi swt haddii aad guursato qofkaas waxa uu kaa saacidaya guusha aduun iyo mid aaqiro  walal guurso qof dhaqan wanagsan guurso qof kula dhaqmaayo si ay ku dhisan tahay ixtiraam iyo qadarin sxp guurso gabar saalixad ah Haa sxb guurso gabar ku dhagan amarka Alle iyo sunnadii nebigeena muxamed scw  sxb guurso gabar kula dhaqmeyso sida ay ula dhaqanto waalidkeeda ,walashey guurso wiil wanagsan  wiil kula dhaqmaayo  sida uu ula dhaqmo waalidkiisa .
Guurka waa iskaashi nololeed guurka waa nimco weyn guurku waa qeyb ka mid ah nolosheena .

Mahadsanid

Diyaarintii al ustaad dhiirigeliye Deeqsi 





Allah Talo Saaro

 





• Allah Talo Saaro

Mahad oo dhan waxee u sugnaatey Allah swt oo na hanuuniye sidow kale Naga dhigey ummada ugu qeyrka badan aduunka nolosha waa mid qurux badan oo wanagsan .
Rasuulkeena muxamed scw waxa uu yiri "shan ka faa'iideyso inta Aysan shan kale kugu imaan kow ka faa'iideyso caafimaadkaaga inta aadan bukoonin labo ka faa'iideyso dhalanyaranimadada inta aadan gaboobin seddex ka faa'iideyso firaaqda inta aadan mashquulin afar ka faa'iideyso barwaaqada inta aadan faqiir noqonin shan ka faa'iideyso nolosha inta aadan Dhiman.

Qofka ugu quruxda badan ee aduunka waa qof Alle swt ku maneystey iimaan iyo camal saalix ah  aduunyada aan ku noolnahay waa meel imtixaam waa meel shaqo balse aaqiro waa  meel abaaalmarin waa meel lagu kala saari doona adoomada Alle swt marka walalayaal aan Alle ka cabsano aan badino xuska Alle swt aan badino u dhawaanshaha rabi swt aan badino docada aan badino kalsoonida aan ku qabno ilaahey aan badino sameeynta camalo wanagsan .

Talo saaro Allah swt oo aamin qadar rabi swt taladeena aan u dhiibano rabiga konkaan abuurey Allah marnaba nama dayacaayo oo Alle ayaa la jirkeen ah guushu aduunyo iyo mid aaqiro waxa ay ku jirta Annaga oo qaadano Amarka Allah swt  ilaahayo taladeyn midey tow fiiqna la siini walal ku kalsoonow ilaahey swt kuna Mahdi nimcooyinka Alle ku siiyey haddii ay noqoto maqalka, araga ,hadalka ,oo marnaba walal ha iloowin wixii lagu abuurey Kuna dadaal raali'ahaanshaha rabi swt  .

Talo saaro Allah swt  waayo waa mid abuurey konkaan Alle waa keligiisa waxna ma dhalin lamana dhalo marka aan adeecno .

Walal fiiri Kan buka waxa uu rajeynaya inuu maalin un helo caafimaad taam ah  walal fiiri kuwa fuqarada ah waxa ay rajeynayaan maali un in ay helan waxa ay baahidooda iska daboolan  qofka ugu taajirsan caalamka waa qofka eebe ku ku manaystey iimaan iyo camaal saalix marka walalayaal aan u shaqeeysano mustaqbalkeena dhow yacnii aaqiradeena Kuna dadal walal maalin walbo raali'ahaanshaha rabi swt ku dadaal walal joogteynta saladaha Ku dadal walal wax aduun iyo aaqiro ku anfacaya ku dadal walal xuska ilaahey  walal taladada rabigaaga u dhiibo Kua. Qanacsanow qadartiisa .

Sxp ku dadal aqrinta Quranka kariimka sxp ku dadaal sxp ka miro dhalinta hadafyada iyo himilooyinkaaga nolosha sxp ku dadaal u baari noqoshada waalidiintaada waa sirta aduun iyo aaqiro lagu guueleysto .


Diyaarintii al ustaad dhiirigeliye Deeqsi 

Monday, April 8, 2024

• Waan ku jaclahey

waan ku jaclahey 
 

Waxaana ahaan doona qof si dhab ah kuu jaceyl waxaana kugu sugi doona Tariinada iyo bostoojooyinka nolosha habo dheerado sugitankeyga .
Waxaana kuu qaaadey jaceyl xad dhaaf ah ee aan la qiyaasi karin waxaadna qeyb weyn ka degtey waliba qeybta ugu muhiimsan qalbigeyga mar walbo waxaana ku dhahaya macanto waan ku jaclahey markaad nolosheeda ku soo biirtey waxaad nolosheeda ka dhigtey nolol ku dhisan jaceyl dareen qabsi degnan iyo xasilooni .

Jeclow sxb qof ku siinaayo farxada Kuna iloowsinaya murugada jeclow walal qof kaa dhigaya boqor ama boqorad jeclow walal  qof kula qeyb sanaya duruufaha iyo dhibaatooyinka nolosha jeclow walal qof ku dhigaayo booskii aad mudneyd .

Jaceylka waa inaad dhahdo waan ku jaclahay adiga oo aan hadlin ,waxaad noqotey qofka keliya ee aan agteeda ku dareemo farxada xasilooni ,marka aad noqotey xaaskayga waxaa ii rumoodey riyo aan ku fikiri jirey marka aan hasaweney .

Waan u xiisey hadalkaaga macan waan u xiisey dhoolacadeyntaada jaceylka dhabt ah ma dhammaado weligiisa waa uu jiriya ilaa geerida mooye nolosha waxa qurxiya oo qiimo u yeela waa jaceyl jaceyl la'antiisa waa nolol la'an aan ka run sheegno jaceylka waxaana ku dhahaaya inaad maalin un noqoni doonto xaaskeyga .

Maalintii aan ku bartey ilaa iyo hadda farxadeeda lama qiyaasi Karo aragtidada ayaa igu muhiimsan waxwalbo oo dunida yaala  waxaad tahay gabar aad iyo aad u qurux badan oo leh sifooyin wanagsan waxaad leedahay anshax iyo asluub wanagsan waxaadna dumarka kale dheer tahay waa howlkarnimadada waxaana Alle ka baryaaya inuu noo rumeeyo riyadeena oo ah inan nolosha wadagno waxaad tahay nuurkii indhaheyga waxaad tahay maskaxdeeda labada ,hablaha dunida ku nool aadaa kaaa door bidey aadaa dooqeyga ah Adiga ah midda daaweysey qalbigeyga allow ii dhoor jaceylkeyga allow ii dhoor nolosheeda oo saaxiibteyda .mahadsanid.

Diyaarintii Al Ustaad dhiirigeliye Deeqsi 



Saturday, April 6, 2024

SIRTA JACEYLKA

 



• SIRTA JACEYLKA

Noloshu jaceyl la'an ayey ku sahlan tahay balse waa dhadhan la'an jaceylka waa qeyb ka mid ah nolosheena haddii uusan jiri laheyn jaceyl noloshu waxee noqon laheyd Mugdi iyo dhadhan la'an balse jaceylka ayaa ka dhiganayo nolosha mid qurux badan oo wanagsan jaceylka dhabta ah ma dhammaado weligiisa waa jiraaya .

Inta badan lammanaha waxa ay raadiyaan sirta jaceylka qaacidada ha ahaato marka hore inaad heshid ixtiram ka dibna jaceyl waayo jaceyl aan lagu dhisin ixtriaam ma sii nagaanayo yacnii wuu burburaya Kuma dhahay waxaad tahay qof qurux badan balse waaxaana ku dhahaya inaad tahay qof yaqaana macnaha jaceylka .

Haddii aad ka hesho qof yacnii aad jeclaato waxaana ku dhihi laha in qofkaas aad u sheegato jaceylkaaga riyo la'an guul ma gaari karno rabi la'an aduunkaba ma jiri laheyn jaceyl la'an waxbo ma dareemi laheyn .

Sirta jaceylka waa is fahan joogta ah waa isdaryeelid waa is caawinaad waa isku damqasho sirta jaceylka waa in labada qof ee isjaceyl ay kalsooni buuxda isku qabaan waa in labada qof ay iskula dulqaatan caqabadaha jaceylka iyo xanuunanadiisa sirta jaceylka in labadan qof is jaceyl  ay yihiin kuwa naftood isku hura waa in labada qof ay noqdaan kuwa u taagan horumarinta jaceylkooda .
Sirta jaceylka waa In qofka qofkale dareensiyo inuu si dhab ah u jacelyahay jaceylka waa is xushmeyn waa is qadarin waa is daryeelid waa fuulid buuraha si loo gaaro hadaf laga leeyahay nolosha  .

Jaceylka waxa uu ku baraya inaad aqbasho ceebaha qof aad jaceshahay jaceylka waa laan ka mid ah  laaamaha aadanaha la xirira wuxuuna ka hadla in nolosha aduun ay macno ku leedahay jaceyl, naxriis,xasilooni.
Ha igu abuurin jaceyl been ah haddii aad I dhawaceyso oo aadan I xifdin Karin  jaceylka ugu quruxda badan nolosha waa inaad hesho qof si dhab ah kuu jaceyl . Waad ku mahadsan tahay aqriskaaga wanagsan .

Diyaarintii al ustaad dhiirigeliye Deeqsi
Coach Mohammed Deeqsi 

Jaceylka labada dhinac ah

 




[  ] Jaceylka labada dhinac ah


Jaceylka dhabta ah marnaba ma noqdo mid xiiso ah iyo danano gaar ah laga leeyahay Wallow ay jiraan dad badan oo inoo muujinaayan dareeno been ah sida inaad u moodo inee yihiin kuwa si dhab ah inoo jaceyl .


Inaad qof aad jaceshahay keliya macno ma sameyneyso balse waxaa macnaha sameynaayo waxaa weeye inaad qof aad jaceshahay aad la qeybsato dareemaha ha noqdo murugo ha noqdo farxada xanuun caafimaad gaajo iyo barwaaaqo .

Sxb haddii aan la wadagin dareemaha halkaas jaceyl ma yaalo sababto ah Jaceylka dhab ah waa mid leys garab istaago waa mid leys ixtiraamaayo halka ay taalo degnan iyo xasilooni hadabo haddii aad aragtey jaceyl guuleystey ogow inuu jiro will cadeeyey raganimadiisa sidow kale gabar cadeeysey gabarnimadeyda halka laga  helo jaceyl sidow kale waxaa laga hela nabada iyo xasilooni Haa sax halka ay timaado erayga jaceyl waxaa imada isku tiirsanan iyo is aaminaad .

Jaceylka waxa uu leeyahay xeerar iyo qaacidooyin balse dadka qaar ma yaqaanaan xeerarkaasi iyo qaacidooyinkaasii haddii ay fahmi lahaayeyn waxa uu jaceylkooda noqona lahaa mid guuleystey xeerarka oo ah dareen qabsi
Run isku sheegid
Qadarin iyo ixtiraam
Kalsooni iyo is aaminaad
Is garab istaagid
Isku  damqasho
Isku naxriisasho
Is caawinaad
Isku hurida labada nafood
Is daryeelid
Iso soo xasuusin  waajibka rabi swt .

Diyaarintii ustaad dhiirigeliye Deeqsi


Friday, April 5, 2024

RUN U SHEEG JACEYLKAAGA

 


RUN U SHEEG JACEYLKAAGA



Wallow jaceylka qarnigan u noqde mid xiiso iyo danano ah quuseeyo hadana wey jireen dad badan  oo u taagan dhibaatenta qalbiyadeena marka laga reebo  dad yar Ayaa ah kuwa narxiis badan kuwa bixiya jaceyl dhab ah .

Haddii uu jaceylka fudud ahaa Lahaa nolosha Ayaan fudud noqona laheyd ,si aad u kasbato qof qalbigiisa ma fudud haddii aad kasbatan inaad xafidid Ayaan adag .


Ha igu abuuri jaceyl been ah haddii aad I qiyaameyso oo aadan I xifdin Karin,  run u sheeg jaceylkaaga Haa int badan hadalo been ah Ayaa na loogu sheekeya xilliga hasaawaha kuwaas ah oo ah " waliigii kama Tegi doona nolosheeda tahay wadnaha Ayaa igu taala aad iyo aad ayaad u qurux badan tahay waana is  guursan doona waxaad tahay qeyb ka mid ah nolosheeda " iyo kuwa badan kuwa Daren been ah iyo hadalo been ah .

Qofka sida dhab ah kuu jaceyl kuwana sasawaayo laakin xaqiiqda ayuu kuu sheegaya yacnii runta ayuu  kula hadlaaya , ma jiro xariir ku dhisan dareen balse waxaa jira dareeno danano gaar ah laga leeyahay inaad run u sheegto qof aad jaceshahay  haddii aadan si dhab ah u jaceyl sababtoo ah qofna ma jeclo in la dhaawaaco qalbiigiisa oo la qiyaano qofna ma rabo inuu murugooda sidaas oo kale sidad u jaceshahay naftaada u jaclow nafta kale .mahadsanid.


Diyaarintii al ustaad dhiirigeliye Deeqsi


Thursday, April 4, 2024

JACEYLKA HOOYADA

 



JACEYLKA HOOYADA

Jaceyl aan dhammad laheyn waa jaceylka ay hooyooyinkeena inow qaban Haa waa sax .Hooyo waxaana kaa jaclahey dheymanka iyo luulka hooyo waxaad tahay mid i bartey aayadaha quraanka kariimka axadiista iyo sunada nabigeena mohamed swc , hooyadu waa tan ku dhashay Kuna soo barbaarisey, hooyadu waa tan  agteeda wax walbo laga helayo mana jiro jaceyl ka qurux badan Jaceylka hooyada mana jiro jaceyl ka wanagsan Jaceylka hooyada .

Sxbka aan jeclaayow waa inan u baari noqono waalidiinteena Haa waa run ha noqonin caasi  waalidiin inaad  baari noqoto waxee kuu fureysa  albaabo badan xaga cibaadada xaga nolosha xaga guurka .
Qofka wanagsan waxaa laga garta waa qof u baari ah labadiisa waalid waana  qof leh sifooyin wanagsan waa qof dabeecada wanagsan, hooyada waa tan ku soo korisey   hooyo waxaad tahay nuurkii indhaheyga  hooyo waxaad tahay tii ugu soo rafaadey hooyo waxaad tahay tii aan ugu faanayey dadka oo dhan hooyo waxaana ka jeclahay indhaheyga .

Diyaarintii ustaad dhiirigeliye Deeqsi mahadsanid walal

Wednesday, April 3, 2024

• MAXAA SABABA INAAD KA XIISO DHICIN JACEYLKA AAD U QABTID LAMAANAHAAGA?.


 . 

• MAXAA SABABA INAAD KA XIISO DHICIN JACEYLKA AAD U QABTID LAMAANAHAAGA?. 


Cid kasta oo Lamaane leh waxaa jiro Arrimo Qaas u ah oo uu ku jeclaado, welibana Dareenkiisu aad u jecleystaan, markuu kala kulmo Qofka uu Jecel yahay.

Hadaba Bini'aadamka waxey aad u jeceyl yihiin halka ay Naxariis iyo Jaceyl ka helaan, balse Xamdi iyadu Lamaanaheedu waxey ku jeclaatay Arrimahan, hoos ku Qoran:-

1- Waxaan aad u jecleystaaa Lamaanaheyga marka uu ii Dhoola Cadeynaayo Gaar ahaan Xiliga uu Anigu igu Lamaanyahay ee uu ila Qeybsanaayo Farxadda Gogosha.

2- Waxaan jecleeystaaa marka uu iigu soo Dhowaado inta uu Laabta iu qabto, si Deggen oo Farxadi ay ku jirto uu Dhegta Cod Deggen Wax iigu sheegaayo.

3- Waxaan jecleystaa Habka uu ii Dareensiiyo Jaceylka uu ii Qabo, isagoo mar walba igu Seexiya Laabtiisa (Xabadkiisa), Xilligaas oo  Anigoo dhan aan kala garan Cir iyo Dhul halka aan ku suganahay kkkk. 

4-  Waxaan jecleystaa Markuu igu Waaniyo Waddada Wanaaga, sida: Xijaabka, Tukashada Salaadda, ka Haridda Saaxiibada Xun xun iyo inaan Wehel ka dhigto Goobaha Kheyrka iyo meelaha Dadka Ahlu kheyrka ku kulmaan.

5- Waxaan jecleystaa Wicitaanka marka uu ii wacaayo, haddii aan Dad la joogo wuu i sugaa, markuu i wacaayana wuxuu iigu Wacaa Erayo aan jecleysto oo Laabta u Roon.

Dhammaan Qodobadaasi waxey igu Kalifeen Xaajigeyga inaan marnaba ka Xiiso dhicin,  waxaana mar kastaba Dareemaa Maalin weliba nahay Aroos iyo Aroosad.





Diyaarintii  ustaad dhiirigeliye Deeqsi


Furaha guusha

 




FURAHA GUUSHA 

Noloshu waa safar u Bahan in loo sameeyo yool ay hiigsato Kuna dadaasho ka mirodhalintiisa .


Inta aad nowshahay nolosha waxa ay kuu soo bandhigeysa  casharo fara badan oo ay ka mid yihiin ,casharo farxada  leh , casharo murugo ah , casharo layaab ah , casharo aad ku faraxdid, casharo ku xiiso galiya.


Furaha farxada waa raaligelinta iyo xuska Allle swt ,Haddad dooneysi guul iyo farxada walal ku dadaal raali'ahaanshaha rabi swt keli badi xuska iyo dikriga Alle waa meesha laga helo farxada dhammeystiran .


Daruusta ay nolosha kuu soo bandhigeyso ma ahan mid bilaasha ah balse waa qibrad iyo waayo aragnimo dhammeystiran .


Guushu waxa ay leedahay furayaal fara badan kow haddii and dooneysi inaad guuleysatid sameyso qorshe iyo hadaf  aad dooneysi inaad gaarto , labo la soo bax talaanti iyo hibadada Alle kugu maneystey , seddex la imoo ficil joogto ah ,afar la imoo dadaal badan Kuna dar dadalkaaga Samirka iyo salad.


Furaha guusha waa shaqo joogto ah waa dadal aan Kala go'a laheyn,  waa fuliid buuraha si loo gaaro hadafka laga leeyahay nolosha .

Furaha guusha  waa inaad hesha moohibadada yacnii hibadada Alle kugu maneystey  .

Horumarka iyo guusha waxaa lagu gaara waa annnago u baari noqono waalidiinteena ,sirta guusha waa dhabar adeyga waa dadaal waa wax aqris  wa ficil waa go'aan qaadasho Dhab ah waa isbedel  .


Furaha guusha waa karti dadaal ficil hadaf  rajo talaanti .isdhiibiyaasha ma guuleystan guuleystayaashana is dhiiban .sirta guusha waa inaad ku dadasha ka miro dhalinta hadafkaaga .

Diyaarintii Ustaad dhiirigeliye Deeqsi 

Jaceylka walaltinimada

  • Jaceylka walaltinimada . • Inaad aragto labo oo si dhab ah isku jaceyl waa aayar yacnii wey yar yihiin inaad aragto walalo is jaceyl a...